|

rajo nabadda & horumarka Soomaaliya

|

ingriis

|

somaali

|

jarman

|


|

rajo

|

wargeyskarajo

|

dhaqaaqa rajo

|

xogta somalia

|

warar

|

links

|

e-post

|



somaliya

Dowlada Itoobiya oo dardargelin cusub ka wada madasha shirka Kenya.
Wararka ka imaanaya magaalada Neyroobi ayaa sheegaya in labadii maalmood ee tagay uu wasiir ka tirsan dowlada Ethiopia kana soo jeeda Soomaalida Ethiopia uu kulamo is daba joog ah la lahaa Golaha SRRC & qaar ka mid ah group 8 waxaana wasiirkaasi lagu magacaaba Maxamuud Dirir wuxuu kaloo dalbaday inuu kulamo la yeesho Ururada Bulshada rayidka ah, waxaana la sheegay in Kooxahaasi ay u gudbiyeen aragtidoodu ku aadan qaabka uu shirku u socdo. Wasiirkaan oo la sheegay inuu Kenya u yimid aaskii madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya inuu ka qeyb galo waxaana u qorsheysan inuu dalkiisa dib ugu laabto ilaa haddana ma jiraan wax ka soo baxay wada hadalada uu la yeeshay kooxaha Soomaalida.

MASHAA,IIQ LAGA SOO XERXERAY AAGA BOOSAASO.
Wararka ka imaanaaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi dhowaan lagu xir-xiray 4 nin oo laba ka mid ahi ay Soomaali yihiin labada kalena ay jinsiyadoodu carab ka soo jeedo. Waxaana maalmihii tegey ay madaxda degaanka ee maamulkaasi ay soo tuseen saraakiil Mareykan ahi oo shaqo ku leh la dagaalanka argagixisada, Waxaana la sheegay in labada carabta ah ay u kala dhasheen dalalka Sacuudiga & Ciraaq, kuwa Soomaalida ahna mid wuxuu ka soo jeedaa magaalada Berbera, halka kalena oo magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Sheekh Cabdiraxmaan oo ka soo jeeda gobolka Bari.
Waxaana la sheegay in ragaasi lagu tuhunsan yahay iney ka mid yihiin Ururda diimeed ee degaankaasi gacan saarka la leh ururada kale ee Carbeed, waxaan la weydiiyay su’aalo dhowr ah oo ku saabsan howlaha ay qabtaan iyadoo la sheegay in ragaasi madaxa laga xiiray, waxaa dhinac socda dadaal kale oo ay wadaan ehelada Sheekh Cabdiraxmaan oo ay ku doonaayaan iney ku siidaayaan.

CIRAAQI KURDISH AH OO LAGU AFDYUUBAY MAGAALO MADAXDA SOMAALIYA.
Waxaa dhowaan magaalada Muqdisho afduub loogu geystay Mr. Cabdi Manaan Maxa’ed Cabdalla Haashim oo u dhashay dalka Ciraaq kana soo jeeda qowmiyada kurdiyiinta kuna noolaa magaalada muqdisho mudooyinkii dambe, ilaa hadda lama yaqaano sababta loo afduubay ninkaasi waxaana la sheegay in laga afduubay isgosyka KM 4 wuxuuna ka mid ahaa qaxooti kurdiyiin ah oo magaalada ka soo galay dalka Imaaraadka Carabta.
War-safaaxadeed ay ka soo saartay afduubka ninkaan hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa ka codsatay dowlada KMG ah & Hogaamiyayaasha kooxaha iney gacan ka geystaan sidii loo sii deyn lahaa ninkaasi afduubka loo heysto, Waxeyna ugu baaqday afduubayaasha iney ka waantoobaan dhibaatada ay u geysanaayaan dadka aan hubeysneyn & kuwa ajnabiga ah. M. GACAL/ BALCAD.COM

Shirka Mbagathi oo qarka u saaran burbur.
Muran xoog leh ayaa mar kale ka dhex oogmay ka qeyb galayaasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, kadib markii shalay madasha shirka Kenya lagu qeybiyay Axdigii 7aad ee la damacsan yahay in lagu dhaqo dowlada KMG ah ee la dhisi doono, iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay axdigaasi, hase yeeshee uu weli ka dhex muuqdo qodobka 19aad oo horey muran weyn ka dhex dhaliyay kaasoo loo maleynaayay in wax laga soo bedelay ama laga bixiyo mana dhicin oo sidiisii ayaa mar 7aad loo daayay.
Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha ayaa maalintii shalay ka baxay shirka iyagoo ku doodaaya in qodobkaasi gebi ahaan laga bixiyo axdiga waxeyna sheegeen in haddii aan laga saarin qodobkaasi axdiga KMG ah ay isaga bixi doonaan shirka halka kuwa taageersan ay iyaguna ku doodaaya iney haddii laga bixiyo ay iyaguna ka bixi doonaan shirka, Waxeyna u muuqataa in baaxada khilaafku ee qodobkaani leeyahay ay dhici karto in aakhirka uu sababsado burbur ku yimaada shirka.

G8-ka OO SHEEGAY MAAMUL-GOBOLEED QORI CAARADII LAGU QABSADAY INAAN LAGA ANSIXINDOONIN SHIRKA KENYA.
Kooxaha loo yaqaano G.8 oo ka sameysmay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee dalka Kenya ka socda ayaa eedeyn ba’an u jeedisay Guddiga farsamada ee IGAD iyagoo sheegay inuu u xaglinaayo qaar ka mid ah Kooxaha Soomaalida, qoraalkaasi oo ay soo saareen group 8 ayeey ku sheegeen ineysan marnaba aqbaleynin in la marin habaabiyo ujeedooyinkii loo tagay madasha shirka iyagoo sheegay in horey loogu heshiiyay qoroolkii axdigii 6aad ee la isla gartay meesha laga saaray gebi ahaan waxaana la keenay in qoraal axdiga 7aad oo lagu soo daray qodobka 19aad oo sidii hore ah waxaana meesha ka baxay wixii lagu heshiiyay taasoo u muuqata iney guddiga farsamada ay u janjeeraan kooxaha qaar iyagoo raali gelinayaa kooxahaasi waxeyna cadeeyeen ineysan marnaba raali ka noqoneynin in Maamul goboleedyo qori caaradiis lagu qabsaday laga ansaxsado shirka dib u heshiisiinta Soomaalida waxeyna ku hanjabeen haddii aan waxba laga qaban ay isaga bixi doonaan shirka.

MUQDISHU OO NOQOTAY HALKA UGU SAHLAN EE LAGA HELO DAL KU GALKA LIIBIYA.
Waxaa magaalada muqdisho si fudud looga helaa dal-ku-galka (Fiisooyinka) ay bixiso safaarada Liibiya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Waxaana la sheegay in dad aad u badan oo ka kala yimid gobolada waqooyiga & kuwa waqooyi bari ay beryahaan dambe ku soo qulquylaayeen magaalada Muqdisho iyagoo baadi goob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen dal-kugal ay bixiso Safaarada kaliya ee joogta magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in markii hore lagu heli jiray fiisahaasi lacag dhan 1200 US$ wuxuuna hadda gaaray ilaa 700 US $ Waxaana la sheegay in fiisooyinkaasi loo bixiyo qaab aan aheyn kuwii horey looga bartay safaarada Liibiya waxaana la siiyaa shaqsiyaad Soomaaliya oo sida la sheegay u adeega qaar ka mid ah shaqaalaha safaarada & madax Soomaali ah taas ayaa keentay inuu suuqa buux dhaafiyo fiisooyinka Liibiya waxaana la sheegay iney hadda bilaabeen saraakiisha safaarada iney xakameeyaan fiisooyinkaasi.


gudaha Shir jaraa-id

Tababar nabadeed oo la siiyay jaaliyadda
Soomaaliyeed ee dalka Switzerland
(Peace Training for Somali Diaspora
In Switzerland)

Nabad ka xasilinta dalka Soomaaliya
Labo iyo labaatankii bishii Agoosto 2003, waxaa magaalada Berna ee caasimadda dalka Switzerland lagu qabtay xaflad xiritaan tababar, soconayay 6 bilood, laguna baranayay arrimo la xiriira howlaha dhisidda nabadda. Waxaa tababarkaas la siiyay xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland.
Arrintani waxay ahayd mid aad u xiiso leh, oo ay ka soo qayb galeen madax ka kala socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Xarunta Swiiska ee Dhisidda Nabadda (KOFF), Caritas-Schweitz, Forum fur Friedenserziehung (IFOR), Forum for Peace and Governance (FOPAG) – Soomaaliya, iyo hay’ado kale oo samafal ee dalkan Switzerland, waxaa kale oo iyana ka soo qayb galay cadad sare oo ka mid jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan, kuwaas oo xafladda ku xoojiyay habdhaqankii Soomaalida ee munaasabaddan oo kale.
Tababarkani waa kii ugu horeeyay ee noocan ah, waxaana si wada jir ah u qabanqaabiyay una fuliyay Ururka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo : RAJO-Peace & Development in Somalia; Caritas Schweitz- fachstelle fur friedenforderung, Forum fur Friedenserziehung (IFOR CH) iyaga oo dhiiri gelin maaliyadeed ka helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Switzerland –waaxda arrimaha nabada.
Tababarkani oo soconayay 5 Week-End kana soo qaybgaleen xubno 25 ah waxaa lagu bartay arrimo la xiriira ka hawlgalka dhisidda nabadda, abuuridda is aaminka, sida :

v Garashada iyo ka howlgalidda isku-dhacyada iyo tacaddiga;
v Aasaaska iyo fahamka isku-dhaca; dagaalada
v Dib-u-hashiisiinta iyo cadowtinimada iyo horay u xukminta (prejudices);
v Darsidda dagaalada iyo xallinta dhacdooyin dhab ah;
v Abuuridda hawlwadeenno nabadeyn (Peace constituencies);
v Dowrka Qurbaawiyiinta ee nabad abuuridda.

Ka qayb galayaasha tababarka waxaa duruustaas u dheeraa iyaga oo la kulmay, casharro laylis ahna ka qaatay dad arrimaha nabad abuuridda, nabad-ilaalinta ku xeel dheer, sida Prof. Tania Paffenholz (Swiss) oo bixisay cashar ah – Howlihii lagu raadinayay nadadda ee dalka Soomaaliya- Peace interventions in Somalia; iyo Mr. Mohamed Ali Hassan of "Forum for Peace and Governance (FOPAG) – Soomaaliya oo bixiyay cashar ah :Nabadda iyo Abuuridda hawlwadeenno nabadeyn (Peace constituencies).
Ka qayb galayaasha waxay muujiyeen in ay si waxtar ah uga qayb galeen ugana faa’iideysteen casharadii lagu qaatay tababarka, arrintaas oo ay xaqiijisay hay’ad ka madax banaan qaban qaabiyayaashii tababarka.
23 ka mid ah ka qayb galayaashii tababarka ayaa noqday kooxdii ugu horeesay ee jaaliyadda ee loo aqoonsado in ay noqdaan fidiyayaal howlaha nabad raadinta, barayaal dhisidda nabadda.

Warkan jaraa-id waxaa soo saaray Ururka–RAJO–Peace& Development in Somalia
Agoosto 28, 2003

caalamka