|

rajo nabadda & horumarka Soomaaliya

|

ingriis

|

somaali

|

jarman

|


|

rajo

|

wargeyskarajo

|

dhaqaaqa rajo

|

xogta somalia

|

warar

|

links

|

e-post

|



ku soo dhawow

Webkani wuxuu soo gudbinayaa warar la xiriira Ururka: RAJO –Integration, Peace & Development for Somalia –RAJO – I.P.& D. FS.

RAJO-I P & D FS wa Urur ka unkamay Qurbaawiga Soomaliyeed ee deggan dalka Switzerland

Halkani waxaan si kooban loogu soo gudbinayaa qaab-dhismeedka, ujeedooyinka, howlgalka, maqaalo iyo warar kale oo ku saabsan arrimo muhim u ah Ururka.


rajo-nabadda & horumarka soomaaliya
aasaasiddii RAJO -I P & D FS – Waa fikrad curinteedu ka soo jeedo koox qurbaawiyiin Soomaaliyeed ah, oo ku nool dalka Switzerland.
Ujeedada ugu muhimsan waa helitaanka nabad waarta iyo xasilooni ka sal-dhigta dalka Soomaaliya.
Ururka waxaa la aasaasay 20kii bisha Febaraayo 2000; Xubnahii ay fikraddu ka dhalatayna waa kuwan hoos magacyadoodu ku qoranyihiin:

Abdirashid M. iman
Abdulkadir sh. Mohamed
Abdullahi Mohamud-Qalimow
Abdullahi Yusuf Mohamed
Abucar Abdi Mudey
Abucar Moalim Mursal
Ahmed Disow
Farxiya Kosar Shemal
Muse Abdullahi
Sakhawadin Maye
heyadda

Qaab – dhismeedka Ururka- RAJO-I P & D S –Waa Urur aan lahayn Ujeedo dhalin faa’iido, ka diiwaan gashan dalka Switzerland, kase hawl-gala Soomaaliya iyo dhammaan dalalka Geeska Africa.


howlaha ugu muhiimsan
RAJO-P & D S-Waxaa hogaamiya Guddi Fulin oo ay caawiyaan guddi-hoosaadyo xirfadlayaal iyo Cilmi baarayaal ah, tababarayaal iyo dad kale oo ku xeel dheer xallinta isku dhacca iyo dagaalada .

RAJO-P & D S- Waxay kalmo dhaqaale iyo farsamo ka heshaa xubnaha ka tirsan, hay’ado samafal ee dalkan Switzerland iyo kuwo caalami ah.

ajeendada howl-galka ururka

Dhiiri-gelinta Nabadda

Iyada oo mar walba maanka lagu hayo howlaha nabad raadinta ee ka socda dalka gudahiisa iyo dibeddisaba, ayaa Ururka RAJO uu xoogga saaraa abuuridda jawi is-aaminid ku wajahan xubnaha bulshada iyo shaqsiyaadka furaha u ah wadahadalada iyo wada xaajoodka lagu heshiisiinayo dhinacyada is haya.
Waxaan isku daynaa in aan ku biirinno wadahadalka socda fikrado aasaasi ah oo suurogelin kara in laga gudbo wixii caqabado ah ee hakiya wada hadalka.
Waxaan aaminsannahay dowrka Ururada Samafalka ee ka howlgala nabad raadinta ee ah furdaaminta howlaha keena in uu hakado wadahal socday, arrimo la isku mariwaayay awgood. Inay la faqaan , si gaar-gaar ah ula xaajoonaa dhinacyada is haya; abuuraan jawi isu soo dhawaasho. Waxqabadka iyo ka libkeenidda howlahaasi waxay ku xiranyihiin kalsoonida iyo howl-karnimada uu horay u kasbaday Ururka howsha guda gala, sida uu u xiriiriyo howl-wadeenada iyo xubnaha bulshooyinka is haya.

Mashaariicda Horumarinta & soo nooleynta dhaqaalaha

Howlaha u jahaysan soo nooleynta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa noogu muuqda in Qurbaawigu uu si firfircoon uga qaybgalo.
Xubnaha Ururka ama guud ahaan Qurbaawiga ayay la gudboon tahay in ay la yimaadaan, curiyaan fikrado abuurid ilo wax soo saar, dejiyaan qaabkii lagu hirgelin lahaa, dhisiddooda iyo maamuliddooda. Ka raadsadaan dalalka ay degganyihiin, hay’ado dowli ah ama kuwo si gaar ah loo leeyahay oo gacan ka siiya hirgelinta mashruucooda.

Ururka RAJO wuxuu si gaar ah ula xaajoonayaa hay’adaha caawiya dalalka soo koraya, isaga oo ku baraarujinaya in ay si waxtar leh uga qayb-galaan, dib u soo nooleynta ilahii dgaqaale iyo adeegyadii bulshadeed ee ku dumay dagaalada sokeeye, iyo weliba abuuridda kuwo cusub.

Integrationka

heyadaha aan wada shaqeyno

Howl-galka Ururka RAJO-I P&D FS -Saddex dhinac ayaa ugu waaweyn howl-galka Ururka:

1. Kalsooni & is aamin abuurid ku saleysan wadahadal iyo heshiis;
2. Ka qayb-galka howlaha lagu unkayo qaab maamul ee dalka ku habboon heer gobol iyo heer qaran;
3. Gacan ka geysashada dib u soo nooleynta ilihii dhaqaale iyo adeegyadii bulshadeed ee ku dumay dagaalka sokeeye, iyo curinta ilo wax soo saar cusub..