|

rajo nabadda & horumarka Soomaaliya

|

ingriis

|

somaali

|

jarman

|


|

rajo

|

wargeyskarajo

|

dhaqaaqa rajo

|

xogta somalia

|

warar

|

links

|

e-post

|



khariidada



calan

taariikh

Soomaaliya waxay dunida kaga taalaa Geeska Africa (Horn of Africa).
Xuduudaha : Waxaa Waqooyi ka xiga : Gacanka Cadmeed ; Bari : Badweynta Hindiya ; Koofur : Kenya ; Galbeed : Ethiopia ; Waqooyi Galbeed : Djibouti.
Dalka Soomaaliya waxaa saameeyay dhacdooyin qiimo ku leh taariikhda dunida.
Faraacinadii hore waxay ku yimaadeen Soomaaliya safarro ganacsi, waxayna ka qaadan jireen beeyada. Taasi waxay sababtay in ay Soomaliya ku magacaabaan dalkii « Udgoonka », marar kalana dalkii « Ilaahyada »
Waxaa kale oo Soomaaliya xiriir la lahaa ganacsato Shiine ah, oo daneyn jiray Udgoonka iyo duur-joogta, sida geriga, shabeelka, diinka, maroodiga, iyo kuwo kale.
Waxaa duur-joogtan lagu qurxin jiray degaanka boqorada iyo madaxda sar-sare. Waxaa kale oo ay aad u xiiseyn jireen faanta maroodiga.
Waxaa kale oo iyana dalka Soomaaliya xiriir ganacsi la lahaa ganacsato Giriig ah iyo kuwo Carab ah. Waxaa aad ugu badnaa xeebaha Soomaaliya doomaha ganacsatada oo ka iman jiray dalal aad u farabadan. Ganacsatada Carbeed waxay dalka Soomaaliya u yiqiineen «Dhulkii Dadka Madow – the Land of Blacks », waxaa kale oo ay ugu yeeri jireen «Berberiyiin».
Qarnigii 18aad, wixii ka horeeyay, Soomaaliya waxaa aad uga horumary hab-nololeedka ku saleysan xoolo-dhaqashada, iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.

Casrigii Isticmaarka 1891-1960 Soomaaliya waxaa loo qaybiyay 5 qaybood :
The British Somaliland – Waqooyiga iyo Galbeedka Soomaaliya ; oo labo qaybood kala ahaa ;
The French Somaliland – Waqooyi Galbeedka Soomaaliya;
The Italian Somaliland – Koofurta Soomaaliya;
The Northern Frontier District (NFD)- Koofur Galbeedka Soomaaliya.

Shanta qaybood waxaa loo kala qaatay sidan:
Ingriiska – saddex qaybood – Waqooyi, galbeed iyo koofur galbeed (NFD);
Talyaaniga – hal qayb- koofur Soomaliya;
Fransiiska - hal qayb- Waqooyi galbeed (Issa and afar territory).
1960 kii waxaa curaty dowladdii soomaaliyeed ee ugu horeesay. Waxaa isku darsamay labo qaybood oo kala ah: Waqooyi (British Somaliland) oo ka mid ah saddexdii qaybood ee uu Ingriisku isticmaarsanjiray, iyo qaybtii koofureed ee uu Talyaanigu isticmaarsanjiray. Waxayna noqdeen dowlad madax banana. Waxayna qaateen nidaamka Jamhuuriga ah, iyaga oo la magac baxay Jamhuuriyadda Soomaaliya – Somali Republic.
Waxay doorteen in ay ku dhaqmaan nidaamka Barlameen-taariga; xubnaha barlamaanka ay ku tartamaan xisbiyada siyaasiga ah. Barlamaanka in uu doorto Madaxweynaha dalka. Madaxweynaha uu magacaabo raiisul-wasaaraha (Wasiirka koowaad); oo isaga soo dhisa dowladda (doorto wasiirada), isaga oo kala tashanaya madaxweynaha. Awoodda madaxweynaha ee arrintan, waxay ku egtahay oo qura talo iyo waano.

Awoodda dalka waxaa ay u qaybsaneyd saddex:
1. Xubinta sharci dejinta –waa barlamanka. Barlamaanka waxaa uu dejiyaa dhammaan shuruucda dalka lagu maamulo. Barlamaanka waxaa uu awood u lahaa in dowladda uu casilo marka ay cadaato in ay ku guul dareysatay fulinta qorshihii uu u ansixiyay

2. Xubinta Fulinta ama maamulka – waa dowladda ama wasiirka koowaad iyo wasaaradahiisa. Dhammaan maamulka dalka waxaa ka mas’uul ahaa dowladda.
Marka uu madaxweynuhu magacaabo Ra’iisul Wasaaraha, ee uu isna soo xusho wasiirada dowladdiisa, waxaa uu la socodsiinayaa, oo uu magacyada iyo nin walba wasaaradda uu ku magaacay u geynayaa madaxweynaha. Madaxweynaha oo arrinta ku leh talo iyo waano oo qura.
Dowladda waxay dejineysaa qaabkii maamul (bulsho, dhaqaale, nabadgelyo, siyaasad, iwx) ee dalka ay ku mamuli lahayd. Kaddib waxay hortageysaa barlamaanka, oo ay u bandhigeysaa qorshaheeda maamul, ilaha dhaqaale ee ay ka imanayaan hantida ay dalka baahidiisa ku dabooleyso (Mashaariic iyo maamulba)
Barlamanka waxaa uu ka doodayaa qorshaha dowladda ay soo hordhigtay. Haddii barlamaanku uu ku qanco qorshaha dowladda waxaa uu siinayaa ogolaashihiisa ah in dowladdu ay fuliso qorshahaas. Haddii uu ku qanci waayo, waxaa dowladda ku qasab ah, in ay qorshaha ka soo beddesho waxyaabaiha uu barlamaanku ka biyo diiday, kaddibna kula soo noqoto barlamaanka.
Muhimadda waxaa ay tahay, dowladda dalka kuma maamuli karin, qorshe uu san ogolaanin barlamaanka.

3. Xubinta Cadaaladda. Maamulka cadaaladda oo ay fuliyaan maxkamadaha.
Dowladda (Wasaaradaha) awood uma laha in ay faragaliyaan maamulka maxkamadaha.
Madaxweynaha ayaa ah ninka ugu sareeya maamulka maxkamadha(Arintan ayaa ah mid sida caadiga ku saleasan xushmad), waxaase jira nin ku xigeen ah oo arrimahan Madaxweynaha uga wakiil ah.
Sidoo kale madaxweynuhu waa Taliyaha sare ee Ciidamada. Laakiin maamulka Ciidamada waxaa leh oo ka masuul ah wasaaradda Difaaca.
Saddexda qaybood wey kala madax banaanaayeen, waxaana u dhexeeyay madaxweynaha, oo ahaa ilaaliyaha dastuurka dalka.
Mudadadaas waxaa dalka soo martay labo doorasho, marka aanan la tirinin middii wax yar ka horeesay qaadashada xoriyadda ee lagu soo doortay barlamaankii qaran.Sidaa darteedna labo barlamaan oo uu shacabku si xor ah u soo doortay ayaa soo maray dalka.
Doorashadii koowaad waxay dhacday 1964. Waxay ahayd mid taariikhi ah, waayoo waxay ku soo aaday maalmo uu dalku dagaal kula jiray dalka Ethiopia, sida aan hoos ku xusidoono. Doorashadii labaaad waxay dhacday dabayaaqadii 1968. Sidoo kale waxaa dalka soo maray labo madaxweyne oo laga doortay barlamaanka iyo ugu yaraan shan dowladood.
Waxaa kale oo iyana la dooran jiray duqowda iyo guddiyada maamulka magaalooyinka
Sagaalkii sano e xigay hanashadii madax banaanida, waxaa dalka ka jiray nidaam maamul rayad ah . Culeysyadii ugu daraa ee dalka haystay waxay ahaayeen: dhaqaale xumo, aqoonta oo hooseysay, gaar ahaan dhanka maamulka, ku muran dhul oo kala dhexeeyay dalalka Ethiopia iyo kenya, oo keenay dagaal dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia sannadkii 1964tii, is dhex-gal la’aan labadii qaybood ee koofur iyo waqooyi, oo kala lahaa labo nidaam maamul oo kala duwan iyo labo liqadood (luqadda Ingriiska iyo tan Talyaaniga).
Waxaa si aad ah looga cabanjiray musuq-maasuq, eex, ku dhaqan qabiil iyo lunsi hantida dowladda.
Aduunweynahase waxa uu Soomaalida u arkayay dowlad ku dhaqanta nidaamka diimuqaraadiga ah, waxayna tusaale u ahayd waqtigaas Africa oo dhan.


juqarafi Baaxadda Soomaaliya

Baaxadda Soomaliya : 637,540 km2
Dhirirka xeebta Soomaaliyeed : 3300 km
Biyaha qaranka : 200 mile
Soomaaliya waa dhul siman oo ay san ku badneyn buuraha, marka laga reebo dhulka sareeya ee waqooyiga, oo buurta ugu dheer ay gaareyso 2300 m qiyaastii.
Soomaaliya waxa ka jira labo xilli roobaad ; Gu’ – April – June; Dayr – Oktoobar-Nofembar.
Marar badan wxaa dalka ka dhaca Abaaro
Soomaaliya waxa mara labo webi. Webiga Jubba ayaa ah mid aanan gurin marna; webiga Shabeelle waxa uu qoyan-yahay ugu yaraan 7 bilood sannadkii.

bulshada Tirada dadka deggan Soomaaliya waa lagu kala duwan-yahay, iyada oo ku xiran hay’adda sameesay tiro koobka, kuwaan oo dhamaantood ah qiyaas. Qiyaas ay sameysay Qaramada midoobay sannadkii 1991, waxaa ummadda soomaaliyeed lagu qiyaasay 7.7 milyan. Hay’ado kale ayaa iyana soo saray qiyaaas kale oo sheegeysa in Soomaaliya ay deggan yihiin dad ay ku qiyaaseen 8.4 milyan, sannadku markuu ahaa 1990kii.

Horaantii sannadkii 1990 kii, reer guuraaga iyo tuulaaleyda xoolo dhaqata ah, ayaa lagu qiyaasay in ay yihiin 3/5 (Shan u dalool saddex) ummadda soomaaliyeed. Beeraaleyda ayaa iyana lagu qiyaasay in ay yihiin 1/5 (shan u dalool hal) ummadda Soomaaliya. Dadka deggan magaalooyinka "waaweyn” ayaa iyana lagu tilmaamay 1/5 shacabka soomaaliyeed.
Xaaladaha degaan ayaa si aad ah isu beddelay sanadadii sideetanaadka, iyada oo ay sababeen dagaaladii, kuwaas oo aad u kordhiyay dadka deggan magaalooyinka, oo gaarsiiyay in Xamar ay ku noolaadaan dad ka badan 2 milyan.

Luqadaha
Af-Soomaaliga ayaa ah luqadda rasmiga ah ee dalka. Waxa jira lahjado aan sidaa u sii kala duwaneyn, oo tan ugu muhimsan ay tahay tan Mayga; oo looga hadlo gobollada Bay, Bakool iyo meelo ka tirsan Shabeelada Hoose iyo Jubooyinka.
Waxaa iyana dalka lagaga hadlaa luqadaha Talyaniga, Carabiga iyo Ingriiska, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.
Jaamacadaha ayaa lagu dhiganjiray afka Talyaaniga iyo Soomaaliga.
Dugsiyada, heer kasta aya Af-soomaaliga wax lagaga bartaa, Carabigana waa luqadda labaad.

Diinta
Diinta ummadda Soomaaliyeed waa Diinta Islaamka; madhabta Shaaficigana waa tan ugu baahsan dalka. Soomaalida dhamaantood waa Sunniyiin.

Waxbarashada iyo Aqoonta
Tan iyo intii ka horeesay 1990, waxbarashada dalka heer kasta, waxay ahayd lacag la’aan.
Adeegyadii waxbarsho ee qaranka waxay la dumeen dowladdii burburtay 1991gii.
Dhigashada dugsiyada ayaa soo kordheysay laga soo bilaabo 1970kii. Waxbarashada dugsiyada hoose ayaa la gaarsiiyay ubadka reer guuraaga bilowgii 1980kii. Ololaha wax qorista iyo aqriska ayaa sare mary lago soo bilaabo 1970kii.
Qaramada Midoobay ayaa qiyaasay in 24% ummadda soomaaliyedd ay wax qori karaan waxna aqrin karaan. Qiyaastani waxay ku saleysan tahay aqoonta laga kasbado dugsiyada ay san ku jirin kuwa quraanka.

Caafimaadka
Hurumar laga gaaray adeegyada caafimaadka iyo xanaanada, ayaa dumay sababo la xiriira dagaalada awgood. Adeegyadaas oo aan awalba aad u kobocsaneyn ayaa waxaa sii wiiqay dagaalada. Taasi waxaa ay keentay in, adeegyadaasi ay gabaabsi noqdaan, kuna koobnaadaan magaalooyinka waaweyn oo qura. Waxaa aad u soo kordhay cudurada Qaaxada, Malaariyada, Teetanada, Baarasiidka oo ay wehliyaan kuwa maqaarka, Indhaha, iyo kuwo kale.
Waxaa nasiib wanaag dalka ku yar, cudurka HIV (Aydiska). Waxaa intaas dheer nafaqo darro iyo macaluul.

dhaqaalaha

Xoolo dhaqashada ayaa ah hab-nololeedka ugu baahsan dalka. Xoolo dhaqashada oo kala ah qaab reer guuraa iyo mid tuulaaley nagi ah. Waxaa la dhaqdaa noocyada xoolaha kala ah: Lo’da, Ari cad-ka, idaha iyo geela.

Nooca beerashada ugu faa’iidada badan waa beerashada Mooska.
Waxyaabaha kale ee ugu muhimsan ee la beerto waxaa ka mid ah : Qasabka, Masagada, Galeyda, Cambaha, Sisinta, Suufka, Qudaarta, Liin-ugunjiga, Babayga,iwx

Waxaa u dalka leeyahay wax soo saar aan xooganeyn ee xagga kheyraadka badda.

Waxaa uu dalka dibedda u suuq geeyaa : Xoolaha nool, mooska, harkaha iyo kaluun.
Macaadinta ugu muhimsan ee dalka waxaa ka mid ah: Yuraaniyuumta, Birta, iyo bedroolka.

Warshadha dalka waxaa ugu muhimsan kuwa farsameeya kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, sida kuwa hilibka, kaluunka (gaar ahaan toonaha), sonkorta, saliidda, maqaarka (Harkaha), iyo dharka (suufka), Tubaakada (Sigaarka).
Dhammaan warshadaas waa ay dumeen sababo la xiriira dagaalada dartood.
Dalalka ugu horeeya ee xiriir ganacsi la leh soomaliya waxaa ka mid ah : Sacuudiga, Kenya, Djibuti iyo talyaaniga.